Dad gaajo ugu dhintay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

by admin | Friday, Dec 19, 2014

Buula-burte : HN :– Sidda ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka degmada Buula-burte ee dowladda Soomaaliya ilaa 6 ruux oo isugu jiray dad waaweyn iyo caruur ayaa gaajo ama macaluul ka dhalatay go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan degmada u geeriyootay.

“Waxaa wali adag in waxyaabaha daruuriga ah lasoo geliyo magaalada, iyadoo weli ay Al-shabaab waddo xayiraaddii ay kusoo rogtay gaadiidka sida xamuulka ee doonaya inay soo galaan degmada,” ayuu sheegay duqa degmada Buula-burte Cismaan Geedi.

Waxaa uu intaa ku darray in inkastoo ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ay ku guuleysteen in ay magaalada duleedyadeeda kahubul saaraan Al-shabaab haddana wali ay ku sugan yihiin daafaha magaalada awoodna u leeyihiin ay is hortaagaan wax kasta oo soo gallaya.

Shacabka ku dhaqan degmada ayaa bartamihii sannadkan dhigay dibadbaxyo ay kaga dalbanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti inay go’doominta kaga qaadaan degmada ay isaga baxaan.

Si kastaba ha ahaatee; ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa sannadkan waxay deegaanno badan ka saareen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay, kuwaasoo qaarkood ay go’doomisay Al-shabaab.

HiiraanNet.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!