Dad gaajo iyo haraad ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose

by admin | Thursday, Oct 2, 2014

Afmadow : HN : — Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya saddex ruux labadii cisho ee la soo dhaafay gaajo iyo haraad ugu dhinteen deegaanno hoos taga degmada.

Waxaa la sheegay deegaanka in ay ka taagan tahay xaaladda aad u liidato,waxaana dadka deegaanka ay sheegen in biyo la’aan baahsan ay ka jirto deegaanka.

War baahinta gudaha ayaa qar ka mid ah waxgaradka deegaanka la xiriirtay kuwaas oo xaqiijiyay dhimashada saddexda qof oo mid ka mid ah uu ahaa qof da’ ah.

Mid ka mid ah odaaysha deegaanka waxuu tilmaamay in deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ay ka jirto abaar iyo biyoimg_0863 la’aan saamayn ku yeelatay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lacag dhan $50,000 wuxuu ugu deeqay in wax looga qabto abaarta ka jirta deegaannada Jubbooyinka ee uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ayaa dhowr mar ka digay xaaladda ka dhalan karta biyo la’aanta iyo aabarta ka jirta gobollo ka tirsan dalka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!