Dad ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Jowhar gobolka Sh/dhexe

by admin | Wednesday, Mar 11, 2015

Jowhar : HN :–Inta la og-yahay ilaa saddex ruux ayaa ku dhaawacantay qarax xalay ka dhacay bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe,sida uu sheegay qof goob-jooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Waxaa la sheegay bartilmaamedka qaraxa in uu ahaa ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ku dhawa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa oo haween ah ayaa la dhigay isbitaalka degmada, waxaana middood gaaray dhaawac halis ah, sida ay sheegeen hawlwadeennada isbitaalka.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo saarnaa gaadiid ayaa lagu tuuray bam gacmeed, iyadoo kadib ayqarax_undp_17 ciidamadu fureen rasaas.

Goob-jooge ku sugnaa halka qaraxa ka dhacay oo aheyd Xaafada Hantiwadaag, gaar ahaan dhinaca Geelow-Jaaw ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen afar ruux oo saddex ka mid ah ay haween ahaayeen, qofka kale uu wiil yar ahaa.

Ciidamada nabad-sugidda ayaa kadib howl gal ka sameeyay halka qaraxa ka dhacay, iyagoo xaafadaha ka soo qabtay tiro dad ah, iyadoo qaraxa markii dambe uu kala eryay dadkii fiidsanayay ee ku sugnaa laamiga.

Ma ahan markii u horeysay ee qarax bambaano lagu weeraro ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan Jowhar, hase ahaatee qaraxan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan ciidamo cusub oo Nabadsugida ka tirsan la geeyay magaalada Jowhar.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!