Dad la xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu qabtay Baraawe

by admin | Tuesday, Mar 31, 2015

Baraawe : HN :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in magaaladaas lagu qabtay dad rag lal xiriinayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga ee degmada Baraawe Bashiir Max’ed Yuusuf ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamada gacanka ku dhigeen Saddex qof lala xiriirinayo kooxda al-Shabaab.

Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in Saddexda qof ay Laamaha ammaanka iyo maamulkaba u sheegeen in qorshahoodu ahaaalshabaab iney dili rabeen Saddex qof oo ku dhaqan Baraawe.

Dhinaca kale mid kamid ah horjoogayasha kooxda al-Shabaab ayaa shalay isu soo dhiibay Ciidamada dowladda ee ku sugan magaaladda Xudur ee xarunta gobolka Bakool kaas oo lagu magacaabo Bashaan Cali Xasan.

Sarkaalkan ayaa ahaa madaxii amniyaadka kooxda al-Shabaab ee gobollada shabeellada hoose iyo Bakool,waxaana warkaan Saxaafada u xaqiijiyey Taliyaha ciidanka Militeriga Bakool Col Cabdirixmaan Maxamed Cismaan.

Taliyaha ciidanka Militeriga Bakool Col Cabdirixmaan Maxamed Cismaan ayaa sheegay in sarkaalkan isu soo dhiibay Ciidamada dowladda ay baaritaan ku wadaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!