Dad la yaqaan guurso dad la yaqaan beey dhalayaane, Qeybta 2aad. WQ: Cabdi Boqor

by Yahye | Sunday, Feb 23, 2014

Somali ajnabiHORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeel.

Horaan usoo daabacney qeeybtii 1-aad ee qormadan tixanaha inoo ah, Tanina waa qeybtii 2-aad ee kusoo dhowoow aqristoow. Aan toos u galo’e Diinteena suuban ayaa inoo sheegtey, marka dumarka Muslimaat-ka ahi guursanayaan rag Muslimiin ah in waxa laga fiirinayo ragaa eey ugu muhiimsan yihiin “Diinta iyo Akhlaaqda wanaagsan”. Rasuulkeena SCW ayaa markii uu arintaa ka hadlayey wuxuu yiri,“ من ترضون دينه وخلقه فزوجوه-U guuriya kii Diintiisa iyo Akhlaaqdiisa aad raali ka noqotaan”. Markii uu guursiga dumarkana ka hadlayeyna wuxuu yiri, “تنكح المرأة لأربع: لمالها ولجمالها ولحسبها ولدينها، فاظفر بذات الدين تربت يداك-Dumarka waxaa loo guursadaa Afar: quruxdeeda, dhaqaalaheeda, nasabkeeda, iyo diinteeda, tan Diinta leh!”. Intaas marka waa Aasaaska la rabo in eey waxa ugu yar (Minimum-ka) inoo noqdaan. Waxa intaa kasoo hara adigaa khiraar u leh, oo xoriyad laguu siiyey in aad si gaar ah u fiiriyo. Waxaa jira waxyaabo kale oo in badan farqi badan sameeya reero badanna ku burburaan, marka horena aan sidaa loogu baraarugsaneyn, balse gadaal dambe xanun badan ka sababa, oo la rabo in aad looga fiirsado, marka Naseexadaa diintu sheegtey la oofiyo kabacdi. Waxa lagu siiyey waa qaacidada basic-ga ah oo kaliya’e. Soomaalideena qaarse wax badan baa isaga keena qasan, gaar ahaan kuwa diinta marka eey rabaan uun Jeebka kala soo baxa, oo laga yaabo in aaneyba madaxaba Alle dhulka u dhigin, in eey kufaan maahane.

MA RABO MIDKAN SOOMAALIGA AH OO WAA REER HEBEL, KAN AJNABIGA AHSE WAAN RABAA OO WAA MUSLIM!

guursi-ajnabi1Soow ciwaankaa wax kaayaabiyo ma aha! Qaar ka mid ah gabdhaheena Soomaaliyeed ee Qurbo-joogta ah ee nasiibdarro! Ajaanibta guursada iyo qoysaskoodaba waxaa inta badan lagu wada eedeeyaa laba arin oo caan ah. A-Marka uu wiil Soomaaliyeed gabar kasoo doonto in eey xooga saarayaan Qabiilka uu u dhashey,”Yuu Yahay?” oo marar badan eey dhacdo in loogu diidaba, iyadoo laleeyahay “War reer hebel gabar siisan meeynee, ha ina dhaafeen, waxa inasoo dhexmarey iyo waxa ina dhexyaal baa inooga filane”. Waa marka laga hadlayo Qabaa’illada daaqsinka, kala dhaca xoolaha, iyo ku hardanka siyaasada dalka isku heysta. Waxaa sidoo kale jirta in la dhoho, “Reer Hebel Gabadheena maba geeyaanba!”-Waa reeraha sida khaldan Soomaalida badankeed u yasto ama u takoorto-Waxeey yiraahdaan ma guursanayo oo waa: Jareer, Nasab-Dhiman, Madhibaan, Yaxar, Gabooy, Eeyli, Tumaal, iyo Boon, Waxaa laga yaabaa in kuwan layasayaahi kaba taqwo iyo Alle ka cabsi badan yihiin kuwan wax yasayaahi, ileyn Allaa yiri, “ان اكرمكم عند الله اتقاكم-Kan idinku sharafta badan, waa midka idinkugu Alle cabsiga badan”’. Ma maqashey Qisadii caanka aheyd ee ay ku timi“War Masaajidka cayaarta kadaa!”. Balse waxaa yaabka yaabkiis ah, isla gabadhii ayaa waxaa guursanaya Jameeykaan iyo Ajaanib kaleba oo Caddaan iyo Madoowba leh, markaana waxaa gabadhii iyo qooyskii dhaleyba eey lasoo wadaboodayaan, “Midkan Waa Muslim! Diintaa Banneeysey!” Su’aasha cajiibka ah ayaa waxeey tahay, oo wiilkii Soomaaliyeed ee ama Qabyaalada ama Nasab-Dhimanka waxa lagu sheegey darteed lagu diidey iyagu Muslimiin miyaaneey aheyn? Wiilkaa Soomaaliyeed ee Qabyaalada ama Nasab-Dhimanka Gabadhaa Soomaaliyeed loogu diidey, midkan waa Muslim uun lala soo ordayo, isaga miyaanan reerkiisa iyo inuu Nasab-Dhimanyahay bal la weydiineyn? Diintan marka uun la rabase jeebka lagala soo baxayo maxeey tahay? Soow Alle ma dhihin “ادخلوا في السلم كافة -Islaamka wada gala oo wada qaata” Mise gabadha ayaan markan loo talin karinoo, qoyska dhan ayeyba wada dacweynkareeysaa qurbahan, oo arintu waa iska marmarsiiyo?

2B-Marka wiil Soomaaliyeed uu si sharaf leh gabadhaa Soomaaliyeed  ugu soo gogolfadhiisto, ayey gabadha oo dabcan ka goys-qabta reerkeeda ku xujeeyaan dhaqaale iyo aduun aad u farabadan, ha ahaato Meher-ka oo waxaanoo Dahab ah laga dhigo, ama wixii kalee guriga uu dhigi lahaa la xiriira intaba, oo laga yaabe in aanu ka bixikarin dhaqaale ahaan, waloow dhaqan uu diyaar gabadha ula yahay wiilku. Nasiibdarro! Dhinaca kale isla gabadhii xujadaa darteed eey wiilkii Soomaaliyeed ee sidiisii kale uqiimaha badnaa la isu seejiyey, ayaa marka eey Jameeykaanka iyo Ajaanibta kaleba guursanayaan ayaa lagu guursadaa wax aan qiimaba laheyn, amaba kaba sii darane si bilaash ah, sidaan kusoo aragney qeeybtii 1-aad.

Waa su’aale maxaa kala duwanaashahaa keeney? Maxaa markii hore shuruudahaa qaaliga ah keeney, markanna rakhiisiyey? Maxeey tahay laba-wajiilenimadu “Hypocrisy and double standards-kan?”. Marka Ajaanibta la isu rakhiisinayo diintaa loo cuskadaa ee marka dhalinta Soomaaliyeed waxkasta lagu qaaliyeynayase ma isla Diintabaa iyana loo cudsanayaa? Ma maqashey qisada caanka ah ee sheekhu lahaa“La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana Bannaan”.

MAXEEY TAHAY MICNAHA MUJTAMACAADKA ADUUNKA OO IDILI U DOORBIDAAN IN EEY DADKOODA KA DHEX GUURSADAAN?

Aqoonyahannada kala ah, Prof. Dr. Barjoyai Bardai, iyo Assoc. Prof. Dr. Mohamad Diah Bin Jurini waxeey leeyihiin “Mujtamacaadka aduunkoo dhan waxeey doorbidaan in eey dadkooda ka dhex guursadaan, waxaase jira kuwo tiro yar oo Qar-Iska-Tuurayaal ah (adventurers & Daredevils), oo halista ama Risk-ga jecel iyo in eey ka wardoonaan, meelaha cillan ee dadka caadiga ahi eey badanaa ka leexdaan!”

Aqoonyahan kale, oo culuumta Shareecada iyo Dhaqaalaha Islaamkaba mudo 30-sano ahna wax ka qorayey, oo ah Professor dhameystiran, laguna magacaabo Prof. Dr. Kamal Maxamed Towfiiq Xadhaab ayaan kala qeybgaley mudo dhowr sano laga joogo dood ku saabsan arintan “Guursiga Ajaanibta”. Kadib markii uu qaacidooyinkaa Asalka ah soo sharaxey, ayaa wuxuu yiri ereyo micno weyn u wada sameeyey intii doodaa kawada qeybgashey, oo ahaa, “Marry the one you have the maximum commonality with, so that both of you will have a happy and fulfilling family life” taasoo micnaheedu yahay, guurso qofka aad in badan wadaagtaan, si labadiinaba aad u heshaan nolol farxad leh waxkastana aad uga haqab beeshaan”.

Bini’aadamku wuxuu leeyahay, Dalal, Qowmiyado, Luqado, Dhaqamo, Caadooyin, Dabeecado, iyo Qaab-uwadahadal kala duwan. Waxyaabahaa oo dhami waxeey sameeyaan wada noolaashaha,  farqi weyn ayeyna ku sameeyaan, waxeeyna keeni karaan Iskhilaaf, iskudhac, iyo waliba burbur qoys. Waxaa wanaagsan in dhamaan aad ka wada sinnaataan oo qofku taa ku dadaalo, hadiiba fursadu eey siineeyso, kadib markii qaacidadaa guud la oofiyo.

DHINACA WADAHADALKA

gabar somali diinta masiixiga lagu guursadayWaxaan wada ognahay in wadahadalku (Communication-ka) uu guud ahaan qeyb libaax leh ka qaato is fahamka bini’aadamka, gaar ahaana labada wada dhaqmeeysa, kaasoo asal u ah wanaag ku wada noolaashaha labada qof ee reerka wada dhaqanaya. Mujtamacaadka qaar sida Carabta, Afrikaanta iyo waliba Asia-yaanka qaarkii, in qofku si kor ah u hadlo, waxeey dhaqan iyo caado ahaan ka dhigantahay muujinta isku kalsooni, awood iyo hogaan. Tusaale ahaan Mujtamacaadka Hindida, Pakistanta iyo Bangladesh-ta ee la isku yiraahdo (Indian Sub-Continent) iyo waliba kuwa la midka ahba, waxeey hadalkooda kor uqaadaan marka eey rabaan in eey muujiyaan in eey awood ku tiisanyihiin, ha ahaato mid urur siyaasadeed, mid dhaqaale, mid Gangs (Badmaashi), IWM. Dhinaca kalase dhaqamada mujtamacaadka qaarna sida kuwa daga Koofur-Barida Asia oo eey Malaysia, Indonesia iyo Philipnies-ku ka mid yihiin waxeey wanaaga u arkaan in qofku si hoose oo ku filan in qofka kale ee uu la hadlayo maqli karo uun. Waliba waxaa dhaqamadaa aad loola yaabaa qofka kor u hadla, ama kor u dhawaaqa, oo waxeey ula micno tahay, akhlaaq daro (rude), xadaarad la’aan (uncivilized), Jahli (Ignorance), iyo qof xanaaq iyo dagaal badan oo dabeecad-laawe ah (high tempered). Inkastoo mujtamacaadka qaar eey Mobile-ka sida Taarka, ama Halow-Halow-ga ugu hadlaan, iyaga hadii agtaada Mobile uu midkood kula hadlayo ma dareemeeysid. Bal malee dhibka eey iskala kulmi karaan dhinaca qaab hadalka ee wiilka iyo gabadha labadaa mujtamac kasoo kala jeeda marka eey is guursadaan!

DHINACA CUNTADA IYO DHAQAMADA KALE

Bal aan eegno hadana dhinaca kale ee xagaa iyo cuntada. Sida dabiiciga ah mujtamac kastaahi wuxuu leeyahay cunto uu si gaar ah dhaqan ugu leeyahay, oo uu u jecelyahay in uu cuno waqtiyada kala duwan, sida:  xiliga Quraacda, Qadada iyo Cashada. Ummadeena Soomaaliyeed waxeey badanaa jeceshahay in subaxii eey cunaan Canjeero/Laxoox, oo waxyaabo kala duwan lagu cuney, sida: Saliid iyo Shaah, Odgac, Beer, ama Dallac-Bilaash oo inta badan dumarkeena Soomaaliyeed jecelyihiin. Sidaa si la mid ah ayey Mujtamacaadka kalena cunto kaloo u gaar ah iyana u doorbidaan. Mujtamacaadka daga Koonfur-Bari Asia, waxeey aad u jecelyihiin cunida Bariiska. Tusaale ahaan Malaysiyaanku waxeey ka helaan in eey ku Quraacdaan, “Nasi Lemak”, oo ah Bariis Garcade ah, oo saliid badan, suugo yaroo gaduudan oo Bisbaas lehna lagu cuno. Waxaa sidoo kale caadi ka ah in sadexda waqtiba Bariis uun la cuno waliba si joogto ah, waloow nuucyo kala duwan iyo magacyo kaladuwan uu u kala leeyahay, inagase waa inoo wada Bariis waxaad rabtaba ula baxe!

Bal malee Soomaali ama Soomaaliyad ka guursata dhibka eey kala mudankaraan. Wadaad Afrikaan ah qabana gabar Koonfur-Bari Asia kasoo jeeda ayaa wuxuu leeyahay, “Quraacda ama midkeen ayaa wax aanu jeclaan laheyn ku quraacanaya, ama waan kala karsaneynaa si qof walbaahi u helo wixii uu jeclaan lahaa in uu ku quraacdo! Taasoo meesha aan iman laheyn hadii aan dadkeeyga ka guursan lahaa dabcan”. Waxaa intaa kuusii dheer in dadka kasoo jeeda wadamada dhaca Koonfur-Bari Asia eey aad u jecelyihiin macaanka, oo waxkastaa eey ku daraan Sonkor, illaa heer aad arkeeyso Hilib sokor lagu sameeyey. Waxa kusii dheer famil-ka oo maqaayad inta badan wada saaran, oo wax ka wada cuna. Marka waxaa oo dhan la isku daro, ayaa sabab u ah waxa ey obesity-ga iyo Diabets-ka eey ugu badanyihiin. Fadlan warbixintan aqriso: Diabetes – the new Malaysian epidemic?

Dhinaca kale waxaa jirta in ummadaha daga Koonfurta Asia sida: India, Pakistan, Bangladesh, iyo kuwa la midka ahba, eey Bisbaaska si aad ah u cunaan. Xaqiiqdii Soomaaliduba Bisbaaska weey cuntaa, balse weel gaar ah ayaa loogu geeyaa. Nasiib darase! Dalalkaa Koofurta Asia, waxaa Bisbaaska lagu sameeyaan Maraqa cuntada, oo fursad aad adiga ku maamulato ma heysatid inta uu la ekaanayo Bisbaaska aad cuneyso, oo wa sidiisa ku cun, iyadoo dhagahaada Qiiqu ka baxayo, Illinta iyo Diifkuna kaa dhamaanayaan, ama waa isaga tag cuntadii. Waxaa intaa ka daran dhaqamada eey leeyihiin ee aadka uga sii xasaasisan ugana saameynta badan. Bal aqriso qormadii aan ka qorey 2010-kii ciwaankeeduna ahaa: Dhaqamadii Qoyska ee iigu yaabka badnaa wadanka Pakistan!.

DHIBKA GADAAL KA YIMAADA BALSE MARKA HORE AAN LA WADA ARAG

soomaaliAqoonyahan Soomaaliyeed ayaa wuxuu guursadey gabar u dhalatey Koonfur-Bari Asia, mudo yar kabacdi weey kala tageen. Sababihii uu sheegay waxaa ka mid ahaa in, “Aaney dumarkani ogoleynba in ninku kaligii guriga ka baxo, mar hadaanu shaqo u socon, hadii kale waxeey abuureeysaa shaki iyo dagaal la isku riiqo, waxaa intaa sii dheer in inta badan maqaayad reerkoo dhan wada saarnaanayaan, oo inta guriga wax lagu karinayaahiba yartahay”. Ninka Soomaaliyeedna wuxuu raba in xoogaa maqaayada banaanka uu asxaabtiisa kula soo fiidsado, oo hawo kusoo qaato. Gurigiisana wax uu ka cuno, marka laga reebo casuumaadyada, iyo Munaasabadaha qaar.

Waxaas oo dhan waxaa kasii daran marka aad Mujtamacaadka qaar ka guursato, Ilmaha aad dhashey dalka kama saari kartid, illaa eey xaaska dalkaa u dhalatey kuu saxiixdo, hadii aad la baxsatana Safaarada eey dalkaada ku leeyihiin ayaa xilka soo celinta Ilmahaasi saaranyahay. Hadii la kala tagana wixii hanti ahaa ee dalkaa aad ku laheyd iyadaa lawada wareegeeysa, sida guryihii, gawaaridii iyo ganacsigiiba. System-ka oo dhan ayaa nasiib darro! Ajnabi ahaan kuu wada ximinaya. Dumar-ka ajaanibta ahna ee ay guursadaan raga u dhashey wadamadaana, Ilmahoodii ayaa laga reebtaa, oo qaarna dib dambe uma arkaan, qaarna waxaa fursad loosiiyaa in eey usoo safraan oo kaliya, si eey u arkaan balse loodiidaa in eey dalka meel uga saaraan.

DHAQAMADA QOYS DHAQIDA SOOMAALIYEED EE HODANKA AH

Dhaqamada qoyska ee Soomaaliyeed aadkana u qiimaha badan Islaamkana uu inasiiyey, ayaa waxaa ka mid ah marka gabadha iyo wiilku isku dhacaan in eey soo dhexgalaan Xiktada iyo Xigaalada qoyskaa, oo waa lagu baxaa si qoyskaa burburka looga wada badbaadiyo. Marka wiilka ama gabadha Soomaaliyeed Ajnabi guursato fursadaasi meesha eyey ka baxdaa. Waxaa sidoo kale dhaqankeena uu leeyahay arin kaloo qiimo badan loona yaqaano “Qaaraan”, labada qofood ee Soomaaliyeed weey isla fahmayaan arintaa, qofka Ajnabiga ahse waxeey ka mid tahay waxyaabaha uu dhibsado, gaar ahaan mujtamacaadka ku dhisan Kalinimada (Individualism-ka) ee Nimboow Naftaa ah. Soomaalida waxeey dhaqan u leedahay hadii qoys dhaqaale ahaan liita uu Aabaha ka dhinto in Ilmaha lala koriyo ama xitaa qaraabada loo kala qeeybiyo oo eey la noolaadaan. Waxaa intaa kuusii dheer hadii eeynu Soomaali nahay dhaqan umalihin qof Faqri dartiis Iskugu buuqa kadibna Isagana isdila, Xaaskiisii iyo Ilmihiisii oo dhanna wada laaya, mujtamacaadka qaar caado ayey u leeyihiin. Luqadii ayaa kuusii dheer iyo ukala turjumidii xaaskaada iyo Ilmahaada oo dhinac ah, iyo waalidkaa, walaalahaa, iyo qaraabadii oo dhinaca kale ah.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Hadii Diinta Islaamka loogu wada dhaqmayo sidii xilligii Rasuulka (SCW) iyo Asxaabtiisii (RC), waxba dhib ah malahaateen, balse maanta Diinta meelbeey mujtamacaadkii Islaamka iska dhigeen. Dhaqamadii iyo caadooyinkii ayaa booskeeda galey, marka loo baahdo Diinta ayaa uun jeebka lagala soo baxaa. Ogoow marka! Qofka aad guursaneyso Mujtamac ayuu leeyahay, ee ma aha qof kaligii dhulka kasoo baxay, kaligiina noolaanaya, amaba noolaankara. Nasiibdarro! dadka qaar waa warjira-moog (naive) iyo “Lax Dhukan Col iyo Abaar Moog”.

LA SOCO QEYBTA 3-AAD EE SOO SOCOTA ……….

Writing only for SOOMAALINIMO

Wabillaahi Toowfiiq

ABDIBOQORW/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: Google images search

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!