Dad rayid ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Sep 20, 2014

Kismaayo : HN :– Lix qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax saaka lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Burundi, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay xaafadda laanta ganacsiga ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in isbitaalka la geeyay lix qof oo qaboCiidamada-AMISOM-oo-galaya-Qoryooley (1) dhaawacyo kala duwan, isla markaana ay la tacaalayaan daweyntooda.

Goob-joogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan dad ka shaqeynayay dhisme ku yaalla halka uu qaraxa ka dhacay, dadka qaar ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidanka qaraxa kaddib.

Saraakiisha amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidanka ammaanka ee maamulku ay goobta ka samaynayaan howlgallo baaritaanno ah, mana jirto cid lagu soo qabtay howlgalladaas.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!