Dad siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Hargeysa

by wadani | Thursday, Nov 24, 2016

Hargeysa : HN :-Magaalada Hargesa ee Caasimadda Somaliland ayaa xalay waxaa lagu dilay  illaa Afar Qof,kuwaas oo Magaalada Siyaabo kala gadisan dil loogugu geeystay.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan Fooxle oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay Dilalka ka dhacay Magaalada iyo waxa ay Salka ku hayaan.

Taliye Fooxle ayaa sheegay in labo ruux ay ku dhinteen Shli Gaari ka dib markii ay isku dhaceen Booyado kuwa Biyaha lagu dhaamiyo ah iyo Gaadiid kuwa Raaxada ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa lix  kale.

Dilka Saddexaad ayaa ahaa Nin Dhaqtar ah oo lagu Magacaabi jiray Allaha hu Naxariistee Aadan Faarax Sareeye kaas oo Xarun Caafimaad oo uu ku dhexleeyahay Hargeysa uu ku dhex toogtay Nin Afka soo duubtay ka dibna uu goobta ka baxsaday Ninkii wax dilay.

Ugu danbeyntii, dilka ugu dambeeya ayuu Taliyahu sheegay inuu Geystay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland islamarkaana Askarigii uu hadda u Xiran yahay Ciidanka.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!