Dadarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Qeybta 5aad Edebta Ciida Muslimka

by Yahye | Sunday, Oct 21, 2012 | 25 views

Waxaan Qeybtaan 5aad kaga hadleynaa Daardaaranka ugu dambeya iyo Axkaamta Ciidda iyo aadaabta looga baahan yahay ruuxa Muslimka ah maalmaha Ciidda ah, Ciid magac ahaan waxaa la yiraahda wax dadku ka caado yeeshaan soona Laalaabta mar walba, waana wax laga helo Mujtamac kasta oo Dunida Jooga ha ahaado Muslim, Masiixi Yuhuud, ama Mushrik, waana wax Insaanka oo dhan jecel yihiin in ay yeeshaan Ciiddo ay Dabaaldagaan, Farxaan kuna kulmaan..

Waxaa aad u Muhiim ah in Ruuxa Muslimkaa ogaado Farqiga u Dhaxeeya Ciidda Muslimka iyo ku Gaalada Noocyadooda kala Duwan, waayo waxaa uu taas ku garan karaa Sharafta iyo Maamuuska ay leeyihiin Ciiddaha Muslimiinta.

Ciiddaha Gaalada waxey ku qotomaan Tusaale ahaan Dhalasho sanad Cusub Bilaawga Xeliga Abuurka, Jawiga Xiliga uu noqdo mid dhexdhexaad ah, ama Doowlad xili la dhisay ama Dowlad la riday, waxaa kaloo dhici karta qaar Munaasabaadkooda ka mid ah in ay ahaadaan kuwa Diineed sida Ciidaha Yuhuuda iyo Masiixiyada iyo Giriigii hore sida Olombiga ama Roomaankii Diimahooda..ama Ciiddaha ay leeyhiin kuwa Majusta ee Dabka Caabuda ee loo yaqaan Ciida Neyruuzka (Dabshidka soomalida qaar ay samayso) iyo Ciida loo yaqaan Mahrajaanka, waxaa kaloo jira Ciido ay leeyihiin Shiicada oo u gaar ah.

Marka waxaa laga maarmaan ah inaan ogaanaa in Muslimiintana leeyihiin Ciiddo u gaar ah oo ay kaga Duwan yihiin Ummadaha kale ee Caalamka ku Nool sida uu Cadeeyay Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee] {إن لكل قوم عيد وهذا عيدنا} (Qolo walbaa waxey leedahay Ciid kana waa Ciideena), Sidaa daraadeed ma haboona in Ruux muslim ah ka qeyb galo Ciid uusan shaqo ku laheyn iyo inuu ku Hambalyeeyo.

Nabiga Suuban waxaa uu sheegay In Muslimiinta leeyihiin laba Ciidood oo lakala yiraah Ciidul-Adxaa iyo Ciiddul-Fidri waxaanu Muslimiintii Reer Maddiina oo lahaa Ciiddo laba ah oo ay Dabaal dagaan ku yiri Illaah waxa uu idinkugu Badalay labadinii Ciiddood laba ka Kheyr Badan sida ku Cad Xadiiskan:
{عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ قَدِمَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْمَدِينَةَ وَلَهُمْ يَوْمَانِ يَلْعَبُونَ فِيهِمَا فَقَالَ مَا هَذَانِ الْيَوْمَانِ قَالُوا كُنَّا نَلْعَبُ فِيهِمَا فِي الْجَاهِلِيَّةِ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ اللَّهَ قَدْ أَبْدَلَكُمْ بِهِمَا خَيْرًا مِنْهُمَا يَوْمَ الْأَضْحَى وَيَوْمَ الْفِطْرِ }
[سنن أبي داود 1134]
Waxaa xadiiskaan tusayaa in dadka Muslimiinta ah ay Diinta Islaamka fursad u siisay in ay yeeshaan Dabaaldagyo iyo Ciiddo sida Ummdaha kalaba u leeyihiin kana kheyr badan kuwa Dadka kale, sidaa daraadeed ma haboona in aan wax kheyr badan khilaafno oo aan ka doorano wax liita oo aan wax Qiima ah ku fadhin weliba Dembi iyo Xumaan laga kasbado.

Labada Ciiddood ee Muslimiinta waxa Qiimahooda Tusaya Xiliyada ay ku beegan yihiin iyo sababta Ciidaba loo Sharciyeeyay, Ciidda Fidriga waxa ay ku Beegan tahay Dhamaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay MUslimiinta soo gabagabeeyeen Soonkii Ramadaanka, waxaana loo Sharciyeeyay in Allaah[Cw] kaliya lagu Weyneeyo, waxaana lagu Maamuusaa Takbiir Sadaqo, Salaad iyo Booqasho Ahalada la booqdo.

Ciidda Labaad oo ah Ciidul-Adxaa waxaa ay ku Beegan Tahay Gabagabada Camalada Xajka kaasoo ah Rukni ka mid ah Arkaanta Islaamka, waxaana loo sharciyeeyay in Illaah lagu weyneeyo sida aad ka Dheehan kartaan Halheeska Maalmaha Ciiddaas Socoto oo ah Takbiirta Udxiyada iyo Booqashada.
{ولتكملوا العدة ولتكبروا الله على ما هداكم ولعلكم تشكرون }

Sidaa darteed Ruuxa Muslimka waxaa la gudboon inuu ilaaliyo Aaadaabta Ciida uuuna ka digtoonaado in Ciidihii ASal ahaan Diinka Islaamka Sharciga ku ahaa inuu ka dgigto Fursad uu ku Tunto ama Tamashleeyo, sidoo kalana Muslimka waa inuu ka Digtoonaado inuu ka qeyb qaato Ciid aan aheyn Labadaas Ciidood waayo Ciidaha Caalamka ka jira oo dhan waxa ay Salka ku hayaan Dhaqmo Diinta Islaamka khilaafsan amaba Diimo kale, sidaa darteed waxaa Muslimka la gudboon inuusan ilbaxnimo moodin Ciidaha UMadaha kale inuu ka qeyn qaato kana digtoonaado islamarkaana ogaadaa waxa Ciidahaas ASal ahaan loola jeedo si uusan Ruuxa Muslimka ah u noqon Doqoni dhaan raacday.

Axkaamta Labada Ciidood
Hadaba Ciidaha Muslimiinta waxa ay leeyihiin Axkaam iyo Aadaab lagama maarmaan ah in aad loo dhowro maadama ay yihiin Cibaado Allaah uu Sharciyeeyay..waxaana ka mid ah Axkaamta labada Ciiddood:

1- In aan la Soomin labadaas maalin ee Ciidda ah, Soonkooduna uu Xaraam yahay; maxaa yeelay Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee] ayaa Reebay labadaas Maalin Soonkooda sida ay Saxaabada Suuban tilmaameen:
{لحديث أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَهَى عَنْ صِيَامِ يَوْمَيْنِ يَوْمِ الْفِطْرِ وَيَوْمِ النَّحْرِ }
[رواه مسلم 827]

2- Salaada Ciida waa Salaad laba Rakco ah Dhameestiran ah sifo ahaan,oo lagu Tukado Meel Banaan ah oo kabaxsan Masaajidda hadii la heli karo, waxaa lagu Bilaawdaa Takbiirta Xerashada ka dib Rakcada hore Todobo Takbiirood, Rakcada Labaadna Shan Takbiirood Marka laga Reebo Takbiirta loogusoo Istaagay Rakcada Labaad, sidaasna waxaa ay ku cadahay Xadiiskan soo socda:
وعن عائشة رضي الله عنها : التكبير في الفطر والأضحى الأولى سبع تكبيرات وفي الثانية خمس تكبيرات سوى تكبيرات الركوع رواه أبو داود صحيح بمجموع طرقه

3-Aadaabta Salaada waxaa ka mid ah in ay Salaada Ciida ahaato waxa ugu horeeya ee la Tukanaayo, taasoo macnaheedu yahay malaha Salaad Sunna ah oo ka horeysa Labada Rakcadod ee Salaada Ciidda sida ay noosoo Guuriyeen Saxaabadii Rasuulka Suubanaa:
وعن أبي سعيد قال : كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يخرج يوم الفطر والأضحى إلى المصلى فأول شيء يبدأ به الصلاة

4-Waxaana Sunno ah in lagu Aqriyo faataxada Kadib labada Rakcadood Suuradaha kala ah:
{( ق ) و ( اقتربت الساعة )} ama Suuradaha kala ah {ِسَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى وَهَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ} labadaan suuradood waxaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa ugu Badn ee uu ku Tikado Rasuulka Saaladaha Ciidda ah.
5- Waxaa kaloo Sunnada ka mid ah in Salaada Ciidda Tukashadeeda ay hor marto ka dibna Imaamka inuu aqriyo khudbadii Ciiddasida ku cad Xadiiskan:
كما ثبت في مسند أحمد من حديث ابْنِ عَبَّاسٍ أَشْهَدُ عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَّى قَبْلَ الْخُطْبَةِ فِي الْعِيدِ ثُمَّ خَطَبَ .” مسند أحمد 1905 والحديث في الصحيحين

5- Waxaa u Banaan ruuxii dan leh ee dagdagsan inuu ka tagi karo Khudbada Ciidda inta ay socoto sida Xadiiskan Cadeynayo:
عن عبد الله بن السائب قال : شهدت العيد مع النبي صلى الله عليه وسلم فلما قضى الصلاة قال : إنا نخطب فمن أحب أن يجلس للخطبة فليجلس ومن أحب أن يذهب فليذهب . إرواء الغليل 3/96
Xadiiskan waxaa uu tusayaa Nabiga Suuban inuu i Idmay Saxaabadii la tukatay ruuxii doonaa inuu iska tagi karo, oo waxaa uu yiri:waan Khudbeynaynaa ee ruuxii doona inuu fadhiisto ha fadhiisto kii doono inuu baxana ha baxo.

6- Waxaa maalinta Ciidda ah looga baahan yahay Haweenka in ay ka soo qeyb galaan Salaada Ciidda sida uu amray Nabiga Suuban, xataa kuwa aan Daahirka aheyn waxaa looga baahan yahay iney u soo Baxaan meesha Muslimiinta ku tukunayaan ayagoo ka fogaanayo Meesha la tukanaayo si ay wax uga helan kheyrka isla markaana ducada muslimiinta uga qeyb qaataan {وَلْتَشْهَد الْخَيْرَ وَدَعْوَةَ }.

Hadaba waxaa jira Aadaabo loo baahan yahay in la dhowro sida in loo Labisto labis ka ugu quruxsan Marka la aadayo Salaada Ciidda, in aan wax la Cunin Salaada ka hor hadii ay tahay Ciidda Udxiyda, in wax la Cuno Salaada Ciida ka Hor hadii la Joogo Ciidii Fidriga, waxaana caado ahaan jirtay Muslimiinta in ay isugu Bogaadiyaan Ciidda, waxaa sidoo kale Sunnaha ka mid ah in marka Saladda la aadayo jidka la maro aan lagu soo laaban marka laga yimaad Salaadda.

Waxaan illaah ka baryeynaa inuu na waafajiyo kheyrka iyo Raxamaadka ay xambaarsan yihiin Bilahan iyo Mowsimyadaan Barakeysan, iyo inuu illaah na waafajiyo Sanado Badan Munaasabaadkan oo kale nagana dhigo kuwa ka faaiideysta Aamiin Aamiin….

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com
Like it? Share it!