Dibadbax looga soo horjeedo shirka Cadaado oo ka dhacay magaalada Garoowe

by admin | Sunday, Jun 28, 2015

Garoowe : HN :–Dibadbax looga soo horjeedo madaxda dowladda federaalka iyo Shirka Cadaado ayaa maanta ka dhacay degmada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyadoo dadweyne badan oo isugu soo baxay dibad baxa ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxda dowladda.

Isku soo baxay oo isugu yimid barxada Garoowe ayaa waxaa hadalo u jeediyay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe, kuwaasoo muujiyay inay ka soo horjeedaan shirka Cadaado.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/llaahi Ciise Axmed ayaa sheegay inay tahay wax lala yaabo in Madaxda dowladda ay taageeraan banan-bax-2Maamul ka hor imaanaya dastuurka KMG ah, isla markaana shirka ka socda Cadaado uu yahay mid ku kooban Koofurta Mudug iyo Galgaduud kaliya sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aysan marnaba ogolaan doonin wax kasta oo jebinaya dastuurka, sidaas darteedna ay Madaxda dowladda ku cambaareynayaan sida ay u taageersan yihiin shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Duqa magaalada Garowe Axmed Saciid Geelle ayaa sheegay in banaan baxan uu yahay mid dadka ay ku cabirayaan dareenka ay ka qabaan dowladda dhexe iyo maamulka laga dhisayo Cadaado.

Sidoo kale Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in Puntland ay ka fikiri doonto aayaheeda, maadaama in lagu fashilmay in lagu dhaqmo dastuurka, taasna ay Puntland go’aankeeda qaadan doonto.

Maamulka Puntland ayaa horay uga digay in shirka Cadaado ee maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud inuu suura gelin karo colaad gobolka ka dhaca, iyagoo ka soo horjeestay dastuurka uu yeelanayo maamulkaas oo qeexaya in maamulka Galmudug xuduudiisu tahay Gobolka Nugaal.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!