DADKA IYO JINKA CIDAABDAA LOO ABUURTAY. WQ. Omer Suleiman Ali

by admin | Sunday, Jul 1, 2012

Waxaa jirta in culumada diintu markii ay Quraanka tafsiirayaan ay sheegaan aayadda macnaheeda iyaga oo si fiican u qeexaya sababta ay ku soo degtay. Hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in si kasta oo ay aayaddu uga hadlayso dhacdo gaar ah ay haddana tahay caam. Waxaan kale oo shaki ku jirin in aayaddu lee dahay macne dhaqameed taas oo aanay culumada Quraanka fasirtaa kaba hadli. Waxaase jirta culumo uga hadasha si gaar gaar ah oo ah in ay maxaadaro ku soo qaataan aayado waafaqsan. Waxay culumadu u badan yihiin in marka ay Quraanka tafsiirinayaan ay ka hadlaan keliya dhinaca taariikhda ee aayadda iyo awoodda Alle laakiin sida uu dadku Quraanka ugu dhaqmi lahaa ee ay nolol maalmeedkooda ugu jaan goyn lahaayeen aanay kala hadlaan. Waxaa la moodaa in culumada Soomaalidu u badan yihiin axkaamta, laakiin ay ku yar tahay falsafada Islaamku.

Si aan u bayaamiyo aragtida aan kor ku soo tilmaamo waxaan soo qaatay aayadda 56aad ee suuradda Al-Daariyaat وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ(56) . haddii aan si kooban u sheego macnaha aayadda waa sidatan: dadka iyo jinka in ay i caabudaan mooyee wax kale uma abuuran. Haddii aad soo qaadataan kutubaha tafsiirka dhammaan intaas ka badan ma sheegayaan. Intaas wax ka dambeeya ma laha miyaa? Maya ee wax weyn ayaa loo baahan yahay in laga hadlo, waxaas oo ah sidii aayaddan loogu dabaqi lahaa nolol maalmeedka ruuxa muslimka ah.

Markii aan arko macnaha aayadda waxaa igu soo dhacaysa in loo baahanayo in la helo waqti uu ruuxu caabudo Alle taas oo ah ajasha qofka ama inta uu qofku adduunka ku nool yahay. Waxaa kale oo is kay tusaysa in ay jirto ajal kale oo ah inta adduunka korkiisa Alle lagu caabudayo oo ah ajasha qiyaame. Arrinkaas ajalahana wuxuu Alle noogu caddeeyey aayaddan hoos ku dhigan.

هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ طِينٍ ثُمَّ قَضَى أَجَلًا وَأَجَلٌ مُسَمًّى عِنْدَهُ ثُمَّ أَنْتُمْ تَمْتَرُونَ(الأنعام 2).

Manaha aayadda: iyada oo uu Alle idinka abuuray dhoobo uuna idiin qoray muddo aad jiraysaan iyo muddo kale oo agtiisa ka jirta ayaad weli waxaad shaki ka qabtaan.

Marka sidee aayaddan loogu dabaqaa nolol maalmeedka ruuxa muslimka ah? Aayaddu way caddahay waxayna noo sheegaysaa in Alle uusan wax kale noo abuuran in aynu isaga caabudno mooyee. Ugu horrayn waa in la garto waxa loola jeedo caabuda. Haddii aan si kooban u sheego ereyga عبد waa Carabi macnahiisuna yahay addoo u noqosho marka wuxuu Alle noo abuurtay in aynu u hoggaansanno oo wixii uu naga reenayna ka hadhno wixii uu na farayna yeelno, isaga mooyee kolay ku tahay hawda beenta ah ee naftaada iyo cid kale toona in aadan waxba ka yeelin isaga mooyee.

In uu Alle noo abuuray in aynu isaga mooyee cid kale caabudin waxay meesha ka saaraysaa in aynaan ku mashquulin wax uusan noo abuuran ama naga xilsaarin. Halkaas waxaa laga fahmayaa in manhajka nolosha ruuxa lagu saleeyo sida u Alle ugu talada galay oo keliya. Waxaa kale oo aayaddan ka muuqata in wax kasta oo ruux samaynayo uu waafajiyo sida Alle doonayo. Matal haddii qof ama kooxi dhibaato kuu geysato kitaabkii Alle iyo sunnadii rasuulka dib u eeg waxa ay arrinkaas kugu dhacay ay amar ka bixinayaanna raaca ee adigu masaxdaada ha kala imaan hab kale oo aad arrinka wax ugua qabanaysid.

Wuxuu Alle arrinkaas noogu sheegay aayaddan dhahaysa in haddii aad is qabataan aad ula laabataan wixii Alle iyo rasuulku ka dheheen khilaafka idin dhex maray.

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا(النساء 59).

Kuwa xaqa rumeeyaw Alle, rasuulka iyo madaxda idinka midka ah maqla oo waxna ha ka diidina, haddii aad wax isku qabtaanna ula laabta kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulkiisa scw haddii aad tihiin kuwo rumaysan Alle iyo maalinka xisaabka qiyaame sidaas ayaa idiin roon idiinna aayo wanaagsan.

Marka wuxuu Alle dadka iyo jinka u abuurtay in ay caabudaan oo keliya waxaa laga garan karaa in uu lee yahay mar kasta iyo xaalad kasta aniga i caabuda oo cibaadayda ku sugnaada, wixii dhibaato idin ku dhacana kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka ugla laabta ee idinku maskaxdiinna wixii aad doontaan ha ka samaynina. Shar iyo khayr wixii idin ku dhaca sida aad ka yeelaysaan ka qaata kitaabka Alle iyo sunnada rausuulka.

Annaga nalooma abuurin in aynu xallinno dhibaatada jirta hase yeeshee xalkeeda Alle ayaa iska leh waxaase annaga nalaga doonayaa in aynu bariinsanno ciabaadada Alle. Haddii aynu xalka dhibaatada ku doonno ama u marno jidka Alle oo aynu ku guulaysanno xalkiina gaadhno waxay ku dhacday idanka Alle ee kuma dhicin awood aynu innagu lee nahay. Haddii aad u hawl gasho arrin khayr ah oo Alle kugu guuleeyo macnaheedu waxa weeye adigu falkii oo ku mudan cibaadada Alel ayaad la timid laakiin Alle ayaa suurto geliyey. Haddii aad wax shar ah oo kula fiican aad u hawl gasho kuna guulaysato sida Shariifka xukuma TFGda wuxuu madax ka noqday oo uu daafacay gaalo dad Islaam ah u laynaysa in ay Alle iyo rasuulka rumeeyeen keliya. In uu noqdo madaxweyne sidii uu jeclaa ma aha arrin khayr u ah laakiin waa u hoog iyo cadaab Alle oo ka dambaysa.

In uu shariifku tooba lee yahay in iyo kale Alle ayaa iska leh laakiin garaadkayga gaabani wuxuu i tusayaa shariifku wuxuu ku sugan yahay wixii uu Abii Lahab ku toobadda seegay oo ahaa cabudhinta diinta Islaamka. Xataa haddii uusan ahayn ma marka horeba i marinay jid shaki ku jiro. Wuxuu ahaa dardaarankii rasuulka scw ka tag waxa shakigu ku jiro oo aad waxa uusan shakigu ku jirin.

وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ(الداريات 56) waxaa laga garan karaa in ay tahay markii dhibaato ku haleesho wad oo ha ka tegin cibaadada Alle markaas ayuu Alle kaa qaadayaa dhibaatadii ku haysay. Dadku wuxuu ku foogan yahay wax uusan isagu shaqo ku lahayn waxna ka qaban karin uuna is moodo in uu isagu wax ka qaban karo, taas oo ah runtii dhaqanka gaalada. Haddii uu Alle kuu suurto geliyo sida shariifka oo kale in uu ku siiyo maskaba aad ku heshay jid aan ahayn kii Alle macnaheedu waxa weeye waxaad tahay cadaab lagu cadaabayo dad dhibaato geystay. Sida uu Alle u sheegay in ay cadaabtu ugu shadanto dhagxan iyo dad ayaa cadaabka adduunkuna ugu shidmaa dadka. Marka waxaan ka baxayaa in kooxda Shariifku ay noqdeen shidaalkii gubayey qolo dhaqan qilaaftay Alle oo diiday in ay xaqa ku sugnaadaan, ee yuusan isu bogin.

Ninkii idanka Alle waayey madaxnimada Soomaaliya dad ayaa u arka in uu qasaaray haba ka yaabin ninkii Alle maanta ka samata bixiyo in uu Soomaaliya hoggaamiyo waa nin Alle u roonaaday oo uu jecel yahay.  Laakiin kuwa oo xukunka daaquudka ah ku faraxsan ayaa tacab qasaaray. Waxaa hadda suuqa la soo geliyey in la dhisayo dawlad Soomaaliyeed oo rasmi ah markaas ayaa lagu yaacay dadka u sharraxan madaxweynenimadu waxaa la lee yahay 100 kama yara. Waxay dadkaasi rumaysan yihiin in beesha caalamku u lee dahay awood in ay dhisaan dawlad Soomaaliyeed, rumayntaas ayaa gaalnimo ah waayo Alle la ‘aantiis cid wax dhisi kartaa ma jirto.

GUNAANAD:

Soomaaliyeey idinka idiin ma taal xallinta dhibaatadu ee wax uu Alle gaar u lee yahay awoodda kala waddan adduunka idinku saami kuma lihidin ee Alle iyo kitaabkiisa ha loo soo laabto hana la toobad keeno. Xalka ummadana ha loo celiyo kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka.

Waxaan lee yahay nimanka la baxay Somaliland kitaabkii Alle iyo sunnadii rasuulka waad qilaafsan yihiin ee ka jooga yaanay waxa ku dhacay koonfuri idinku dhicin eh. Waxaan idiin soo daliilsanayaa aayaddan hoos ku qoran:

كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ(البقرة 216).

Waxaa la idiin qoray dagaal waana wax la neceb yahay waxaana dhici karta in wax aad neceb tihiin idiin yahay khayr wax aad jeceshihiinna idiin yahay shar, waxa sharka idiin ah iyo wax khayrka idiin ah Alle ayaa og ee idinku waxba kama ogidin.

Waxaan aayaddan ka fahmayaa in waxa sharka noo ah iyo waxa khayrka noo ah aynaan kala garan karin hase yeeshee uu Alle kala og yahay uuna weligiisba khayrka nala doonayo ee amarkiisa ku socda wixii khayr ah isaga ayaa idiin haya oo idin siinaya eh. Marak Somaliland in ay goostaan waxay u arkaan in ay u tahay khayr, ma xog ogaha maraglayda iyo maragleyda yaa u sheegay mase waxay ku socdaan dhaqankii laga dhaxlay gaalada oo ay run u haystaan? Midda kale in aad go’aysaan iyo in kale ma kala garanaysaan ee xadgudubka aad dadka islaamka ka gelaysaan iska ilaaliya. Ruux walibana ha ogaado in uusan cid wax yeeli karin idanka Alle la’aantiis.

Marka kuwa dhibaatada ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed haysta maalin kasta maskaxdooda wixii ku soo dhaca ama wixii ay gaalo ula timaaddo oo xal ku sheeg ah ka daba ordayaa sow cibaadadii Alle ma hareer marin oo ma caabudaan maskaxdooda iyo gaalada ay daba nash lee yihiin.

Ciddii qabta in xalka ummadda Soomaaliyeed yahay waxa ay gaaladu maalinba meel inoogu shirinayaan ma aha xalka ee xalku waa in Alle loo laabto la wada toobad keeno cibaadada Allena la xoojiyo oo la sugo. Khayrkana loo tartamo ee aan loo tartamin sida shaydaan iyo gaalo loogu kala dhawaan lahaa.

وَلَا يَحْزُنْكَ الَّذِينَ يُسَارِعُونَ فِي الْكُفْرِ إِنَّهُمْ لَنْ يَضُرُّوا اللَّهَ شَيْئًا يُرِيدُ اللَّهُ أَلَّا يَجْعَلَ لَهُمْ حَظًّا فِي الْآخِرَةِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ(آل عمران 176). يَاأَيُّهَا الرَّسُولُ لَا يَحْزُنْكَ الَّذِينَ يُسَارِعُونَ فِي الْكُفْرِ مِنَ الَّذِينَ قَالُوا ءَامَنَّا بِأَفْوَاهِهِمْ وَلَمْ تُؤْمِنْ قُلُوبُهُمْ وَمِنَ الَّذِينَ هَادُوا سَمَّاعُونَ لِلْكَذِبِ سَمَّاعُونَ لِقَوْمٍ ءَاخَرِينَ لَمْ يَأْتُوكَ يُحَرِّفُونَ الْكَلِمَ مِنْ بَعْدِ مَوَاضِعِهِ يَقُولُونَ إِنْ أُوتِيتُمْ هَذَا فَخُذُوهُ وَإِنْ لَمْ تُؤْتَوْهُ فَاحْذَرُوا وَمَنْ يُرِدِ اللَّهُ فِتْنَتَهُ فَلَنْ تَمْلِكَ لَهُ مِنَ اللَّهِ شَيْئًا أُولَئِكَ الَّذِينَ لَمْ يُرِدِ اللَّهُ أَنْ يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمْ لَهُمْ فِي الدُّنْيَا خِزْيٌ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ(المائدة 41).

 

Markaas ayuu Alle keenaya xal khayr ah oo ummaddu ku faraxdo laakiin beesha caalamka Maraykan midna ma keeni karo xalka ummadda.

DARDAARAN.

Ahaada kuwo Alle caabuda mar kasta iyo xaalad kasta abaar iyo aaranba, xalka dhibaatadana Alle u dhaafa. Xilkiinna ka soo baxa Allena wixii uu ballan qaaday waa noo fulin doonaa eh.

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاءُوهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَانْتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُوا وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ(الروم 47).

Markii aanuu ummad u soo dirno rasuul ka mid ah waxaannu ka aar goynaa kuwii dembiayda ka galay waana xaq aannu isu saarnay in aannu u hiilinno dadka mu’miniinta ah.

Dabcan dadka aan mu’miniinta ahaynna waanu ka hiilinaynaa ayaa aayadda ku duugan.

 

OMER SULEIMAN ALI.

19/06/12

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!