Dadkii ka barakacay Gaalkacyo oo loogu baaqay in ay dib u soo laabtaan

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

Gaalkacyo : HN :- Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumr C/rashiid Cali Sharma’arke oo todobaadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada in ay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

“Dhamaanteen nabada ayaan ka shaqeyn doonnaa, wixii dhameystir u baahan waa la dhameystirayaa, waxaa rajeynayaa in tani ay noqoto mid aan mar dambe soo noqon, waxaa ugu baaqayaa shacabka reer Gaalkacyo inay dib ugu soo noqdaan guryahooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

RW Sharma’arke ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya loo gudbi doono sidii xal waara loo gaari lahaa, isla markaana nabadeynta magaalada looga shaqeyn lahaa.

In ka badan 50 kun oo qoys ayaa bishii hore ka barakacay dagaalkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo, waxaana dadkan oo u barakacay deegaanada miyiga la sheegay in xaalad nololeed ay la soo deristay.

Ugu danbeyntii, shalay ayay aheyd markii Madaxda Puntland iyo Galmudug ay ku guuleysteen kala qaadista ciidamada, kaddib wada hadalo todobaad ka socday Gaalkacyo oo ay garwadeen ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wakiilka Qaramada Midoobey.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!