Dadkii ka danbeeyay dilkii macalin ka tirsanaa Jaamacada SIMAD oo la qabtay

by admin | Friday, Dec 12, 2014

Muqdisho : HN :– Max’ed Yuusuf Cismaan afhayeenka wasaarrada ammniga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkii maalin ka hor magaalada muqdisho loogu geystay Mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD.

Afhayeenka ayaa sheegay in gaariga lagu dilay mas’uulkaas uu ahaa mid laga soo kireystay shirkadaha Baabuurta kireeya, isagoo ka digay in shirkadaha iyo milkiilayaasha in gaadiid ka kireeyaan dadka falalka amni daro ku lug leh.

“Raggii ka danbeeyay dilka  mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD qaarkood ayaa la qabtay waxaa noo xaqiiqowday baabuurta ay wax kuAfhayeenka-wasaarada-amniga1 dileen inay ka soo kireysteen meelaha baabuurta lagu kireeyo, waxaa rabnaa inaan u sheegno shirkadaha baabuurta kireeya in ay iska ilaaliyaan oo aanay ka kireyn dadkan oo kale”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Waxaa uu sheegay in gaarigaas ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay soconayaan howl galo lagu sugayo ammaanka magaalada, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogaan kooxaha ku fila dilalka gaadiidka.

Hey’addaha Ammaanka ayaa dhowaan sheegay inay bur buriyeen shabakado isku xirnaa oo gaadiidka ku fulin jiray dilalka, iyadoo la soo bandhigay Sarkaal la sheegay inuu ahaa ninkii u qaabilsanaa Al-Shabaab howl galada gaadiidka lagu fuliyay.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!