Dadweyne ka soo horjeeda gogosha Cadaado oo banaabax ka dhigay Dhuuso Mareeb

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

Dhuuso Mareeb; HN;- Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheeagya in magaaladaasi maanta ka dhacay banaanbax ay dhigayeen dadweyne isku soo bax sameeyey.

Ujeedka banaanbaxa ayaa wuxuu ahaa sidii shacabka Dhuusamareeb ay ugu muujin lahaayeen inay kasoo horjeedaan in shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya lagu qabto Magaalada Cadaado.

Dadkii banaanbaxa dhigaayay ayaa waxa ay gubeen taayaro, waxaana ay ku buuqeen bartamaha Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa isku dayay inay dadka kala eryaan, waxaana la maqlaayay dhawaqa rasaas ka dhaceysa Bartamaha Magaalada oo shacabka lagu kala eryaayay.

Xaalada Magaalada Dhuusamareeb ayaa kacsan, waxaana Magaalada laga sugayaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku wajahan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!