Dagaal Al-shabaab iyo ciidammada Itoobiya ku dhaxmaray Galguduud

by admin | Saturday, Apr 25, 2015

Galguduud : HN :–Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaan hoos taga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay waddada u galeen kolonyo gaadiidka ah oo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa AMISOM oo ka socda Itoobiya.

Max’ed Kaariye oo ay taliyaha ciidammada dowladda ee  Galgaduud ayaa sheegay in ciidamada oo wada-socda ay wadada u galeenkdkdkd koox Al-shabaab ka mid ah, isla markaana ay khasaare u geysteen.

“Dagaalk ayaa ka dhacay deegaan ay ciidamada ay marayeen, waxaana soo weeraray nabad-diidka, khasaare ayaa u geysanayay, baabuurna waa ka qabanay,” ayuu yiri taliyaha oo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay go’doomiyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur oo horay ay ula wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, iyagoo waddooyinka u gala ciidamada xilliyada ay deegaannada isaga gooshayaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!