Dagaal Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhaxmaray deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

by admin | Thursday, Nov 20, 2014

Beledweyne : HN :– Ugu yaraan saddex ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dhintay qof shacab ah waa uu ku dhaawacmay dagaal saaka dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex maray Tuulo lagu magacaabo Qabadane oo u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buulo Burde, kadib markii ay halkaas Shabaab weerar ku qaaday.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada BBC-da oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo laboSomalia: Conflict saac, isla markaana ay deegaanka isaga barakaceen dadkii degenaan.

“Saakay 12-kii aroornimo qolada shabaab ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku soo qaadeen deegaanka sababta ma garaneyno hadii ay dhihi laheyn xoolo iyo Sako raadinayaan nimanka waa beeraley iyo xoolo dhaqato, ma aqaan waxa loo soo weeraray”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka dhimatay saddex ruux, halka dadka deegaankana uu qof ka dhaawacmay, isla markaana deegaanka ay labo qeyb ay ku kala sugan yihiin dadkii deegaanka iyo Shabaab sida uu yiri.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!