Dagaal Al-shabaab iyo dadka deegaanka ku dhaxmaray deegaanno hoostaga Buula-burte

by admin | Saturday, Oct 18, 2014

Buula-burte : HN :– Dagaal leysku adeegsaday hubka kala duwan oo u dhaxeeya xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo dadka deegaanka ayaa ka dhacay tuulada Shooli oo u dhow degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhimatay iska hor-imaadka ayadoo maleeshiyaadku ay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah tuuladan.

Ciidammada dowladda Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM  ee ku sugan Buulo Burte ayaa saakay gurmad u sameeyeySomalia: Conflict dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Buulo Burte Cabdicasiis Duuroow ayaa u sheegay warbaahinta in shan ka mid ah kooxda Al-shabaab iyo qof ka mid ah dadka degaanka ay ku dhinteen dagaalkaas.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa ka cararay tuulada. Xoolalleyda gobolka Hiiraan ayaa dhowr degaan dagaal kula galay maleeshiyaadka Al-Shabaab inta ay socdeen howl-gallada ka dhanka ah maleeshiyadaas ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!