Dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Deefoow ee duleedka B/weyne

by Yahye | Wednesday, Oct 1, 2014

B/weyne: HN:- Saaka waaberigii ayaa kooxo hubeysan waxay dagaal ku soo qaadeen deegaanka Deefow oo waqooyi kaga beegan magaalada B/weyne.

Inta la ogyahay Labo qof ayaa ku dhimatay, afar kalena waa ay ku dhaawacantay dagaalka saaka ka dhacay deegaankaasi Deefoow.

Dagaalka oo dhex maray laba beelood ayaa ka dhashay muran la xiriira lahaanshiyaha dhul beereed ku yaalla deegaanka Deefoow.

Dagaalada ka dhaca Deegaanada Deefoow iyo Kabxanley ayaa soo noq noqday, iyadoona horey dagaalo dad badani ku dhinteen aay halkaasi uga dheceen.

Guddoomiyaha Beledweyne Maxmed Cismaan Cabdi ayaa sheegay in labada qof ee ku dhimatay dagaalka iyo kuwa  dhaawacmay ay ka wada tirsanayeen dhinacyadii dagaalamay.

Maxamed ayaa sheegay in maamulkooda uu ciidan u diri doono deegaanka uu dagaalka ka dhacay, isaga oo ugu baaqay beelaha dagaallamay in ay colaadda joojiyaan, isla markaana ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!