Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray degmada Xudur

by Somali | Friday, Nov 30, 2012 | 21 views

Bakool : HN :  Wararka laga hellayo degmada Xudur ee gobollka Bakool ayaa sheegay in dagaal culus uu ku dhaxmaray meel duleedka ka ah degmada Xudur ciidamada dowladda iyo iyo xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada.

dagaallka oo ahaa mid culus ayeey labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kadib markii ay ciidamada dowladda  weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga  Xudur, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal qaatay saacado badan.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.

Gudoomiyaha gobolka bakool ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Mayoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, wuxuuna sheegay in xoogagga Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin lixaad leh.

Gobollka Bakool waxaa intiisa badan hadda maamula xoogagga Al-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka foogeen deegaanno kooban oo ay ka mid tahay degmada Xudur.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!