Dagaal ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray qeybo ka mid ah gobolka Bay

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 2 views

Bay : HN :  Wararka laga hellayo gobolka Bay aya sheegaya in qeybo ka mid ah gobol dagaal culus ku dhaxmaray ciidamado ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya iyo xoogga Al-shabaaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaallku uu qarxay kadib markii dagaalyahanno Al-shabaab ah jidka u galeen gadiid kolanyo ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Ciidamada la weeraray ee Itoobiya ayaa sida ay dadka goob joogayaal ah sheegeen ka yimid dhinaca gobollka Gado, gaar ahaan degmada Luuq, iyaga oo doonayay in ay u gudbaan qeybaha ay gobollka Bay ka joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dagaallka oo waqti kooban socday ayeey labada dhinac isku adeegsadeen hub-ka noocyadiisa kala duwan, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallka, madaama meelaha lagu dagaallamay ahaayeen deegaanno cidlo ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen saraakiisha Itoobiya iyo Al-shabaab dagaallka la sheegay in uu ku dhaxmaray Bay.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!