Dagaal ciidammada dowladda AMISOM iyo Al-shabaab u dhaxmaray dulleedka Muqdisho

by admin | Sunday, Jan 18, 2015

Muqdisho : HN :–Wararka ka soo baxaya deegaannka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ku dhaxmaray ciidammada dowladda AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaallka oo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ka dhashay ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus, iyadoo dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ay sheegeen in tan iyo xalay ay maqlayeen hubka labada dhinac ay u adeegsanayeen dagaalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baqdin weyn uu dagaalkan ku beeray dadka ku nool Ceesha Biyaha, balse aysan jirin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay deegankaas oo dadku ay dib ugu laabanayaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalkan uu yimid kaddib markii ay xoogaggoodu jihooyin dhowr ah ka weerareenDagaal_ka_dhacay_Ceelasha_Biyaha saldhigyo ay ciidamadu ku lahayaeen deegaanka Arbacow oo dhinaca Koonfureed ee Ceelasha Biyaha ku yaalla.

“Ciidamadeenna waa dhowr jaho ka weeraray saldhigyo ay ciidamada Afrika ka socda iyo kuwa dowladdu ku lahaayeen deegaankaas, khasaare xooggan ayaana u geysannay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda.

Ma jiro wax khasaare ah oo ay Al-shabaab sheegtay inuu dagaalkaas kasoo gaaray iyo tirade khasaaraha ay geysteen, iyadoo sidoo kalena aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyo AMISOM oo ku aaddan dagaalkan.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka Arbacow ee lagu dagaalamay ayaa waxaa tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday deegaanka Ceelasha Biyaha ku lahaa saldhigyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!