Dagaal ciidammada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Buula-burte

by admin | Tuesday, May 26, 2015

Buula-burte : HN :–Ciidammada maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Ceelbacaad oo ka tirsan degmada Buula-burte, halkaasoo fariisin u aheyd dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdullaahi Barre ayaa qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada ayaa  sheegay inDagaal-Beeleed-300x225 ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM weerar ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceelbacaad, waxaana uu sheegay in ay ku dilleen weerarka toddoba ruux oo ka tirsan dagaal-yahannada Al-shabaab.

“Waxaan ka dilnay Al-shabaab toddoba ruux, annaga dhinaceena khasaaraha nasoo gaaray aad ayuu u yar yahay waxaa dhaawac fudud uu naga soo gaaray hal askari oo kaliya, ayuu yiri” sarkaalka u hadllay ciidammada dowladda.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidda oo kale labada dhinac ugu dagaallamaan deegaanno hoostaga degmada Buula-burte, ilaa iyo haddana Al-shabaab dhinacooda wax war ah kama aysan soo saarin dagaallka maanta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!