Dagaal ciidammada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Bakool

by admin | Saturday, Feb 14, 2015

Bakool : HN :–Dagaal sababay dhimashada lix qof iyo dhaawaca in ka badan 10 kalena ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-jadiid oo hoos taga degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Goob-jooge ay warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in dagaalka uu xooggan muddana uu ka socday deegaanka,iyadoo hubka noocyadiisa kala gadisan la isku adegsay,gaar ahaana hubka ay isticmaalan dhinayacda dagaallamayay.

Waxaa la sheegay dagaalka inuu u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab oo gacanta ku haysay deegaankabooliska-jowhar.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka tirsanaa labada dhinac ee dagaallamay. Ma jiro wax khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow, Maxamed Cabdalla Xasan ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen deegaanka, isla markaana ay ku guulaysteen in ay la wareegaan gacan ku hayntiisa.

Gobolka Bakool waxaa in badan oo ka mid ah gacanta ku haya maamula Al-shabaab, waxaana deegaanadaas ka dhaca dagaallo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!