Dagaal ciidmada Al-shabaab iyo kuwa maamulka Jubba ku dhexmaray duleedka Kismaayo

by admin | Monday, Mar 9, 2015

Kismayo; HN;- Wararka ka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkasi uu ka dhacay dagaal udhaxeeya ciidamada Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Al-Shabaab.

Inta la ogyahay Labo qof ayaa ku dhimatay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaalka maanta deegaan lagu magacaabo Labo-mirood oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo Al-Shabaab.

Deegaanka Labo-mirood wuxuu 14 km dhinaca koonfur uga beegan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha ciidanka booliska Kismaayo Col. Gaboobe Xasan Barre ayaa sheegay in labada qof ee dhimatay iyo labo ka tirsan saddexda dhaawaca ah ay ahaayeen askar ka tirsan booliska maamulka KMG ah ee Jubba qofka kale ee dhaawaca ahna wuxuu sheegay inuu yahay rayid.

Col. Gaboobe ayaa tilmaamay inuu hadda deegaankaas ka socdo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab waddada u gashay gaadiid qaad u waday magaalada Kismaayo sida uu xaqiijiyay taliyaha.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!