Dagaal culus oo ay ka qeyb-qaateen ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya oo ka dhacay gobolka Bakool

by admin | Wednesday, Aug 19, 2015

Bakool : HN :– Wararka imanaya gobolka Baakool ayaa sheegaya in galinkii danbe ee maalintii shalay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Federaalka oo gacan ka helayay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dagaalyhanada xarakada Al-Shabaab uu ka dhacay deegaano hoostaga gobolka.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanada Ceel Malable iyo Ceel Boon, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in dagaalka ay ka Dagaal-Beeleed-300x225qeyb qaateen ciidamo xoog badan oo katirsanaa Liyuu booliis,kuwaa oo kasoo gudbay xadka Itoobiya, iyagoona gacan siinayay ciidamada dowlada iyo kuwa kale ee Itoobiya.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka gobolka Bakool Gaashaanle Sare Cabdi Maxamed Dile, ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Bakool ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Cabdi Maxamed Dile, ayaa xusay in dagaalka ku dileen in ka badan 20-dagaalyahan , waxa uuna intaa raaciyay in ay nolosha ku hayaan dhoor dagaalyahan sidoo kale ay la wareegeen hub iyo saanad kale ay lahaayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin dagaalkan culus ee ka dhacay Gobolka Bakool, waxaana mudooyinkii lasoo dhaafay dagalao culus oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Huwanta ah ay ka dhacayeen deegaano katirsan Gobolada Dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!