Dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray Qansax-dheere

by Somali | Saturday, Jun 16, 2012

Qasax-dheere : HN :  Wararka laga hellayo deegaannka Qasax-dheere ayaa sheegay in  dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab, kaasoo inta la og-yahay ay ku dhinteen ku dhawaad Lex ruux.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya kaga sugnaayeen degmadaas, waxaana dagaalku uu socday muddo kooban.

Xidhibaan ka tirsan dowladda KMG oo lagu magaacabo Aadan Afgooye ayaa sheegay in dagaallkaas ay uga dhigeen sida uu hadalka u dhigay labo ruux, isaga oo sheegay in lagu daba jiro kooxihii weerarka soo qaaday.

“Weerarka waxaa soo qaaday Al-shabaab, dhinaca dowladda hal askari ayaa uga dhintay, laba qof oo gabar ay ku jirtana way nooga dhaawacmeen,” ayuu yiri xildhibaan Cali Aadan Afgooye.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay dagaalkaas ku dileen askari Itoobiyaan ah ayna laba kale ku dhaawaceen, sidoo kalena ay ku furteen qori nooca fudud ah, inkastoo Itoobiya aysan ka hadlin dagaalka.

Gobolka Bay ayaa waxaa ka jira xiisado dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Itoobiya kuwa Al-shabaab oo kol hore lagala wareegay gacan ku heynta degmada Baydhabo.

Hiiraan Net

Like it? Share it!