Dagaal culus oo goor dhaw dib uga qarxay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

by admin | Thursday, Feb 12, 2015

Guri-ceel : HN :–Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay dagaal culus dib uga qarxay degmada, kaddib markii labo cisho ka hor gacan ku heynta Guri-ceel la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen Guri-ceel, iyadoo ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ay ka soo baxeen degmada Dhuusa Mareeb.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha uu geysanayo dagaalka, hase ahaatee waxaa si aad ah loo maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwanDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa ka barakacayay degmada labadii maalmood ee u dambeeyay, iyagoo ka cabsi qabay in mar kale lagu dul dagaalamo, waxaana wali adag wararka laga heli karo deegaanka, maadaama isgaarsiinta ay tahay mid ciriiri ah.

Dagaalkii maalin ka hor ka dhacay Guri-ceel ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah, halka 12 kalena ay labada dhinac isugu jireen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay la wareegeen saldhiga Guriceel, hase ahaatee uu dagaal xoogan uu ka socdo bartamaha degmada.

Sarkaal u hadllay xoogagga Ahlu Sunnai ayaa sheegay inay la dagaalameen waxaa uu ugu yeeray kooxo burcad badeed ah iyo maleeshiyaad hubeysan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!