Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Yasooman oo ee gobolka Hiiraan

by admin | Tuesday, Nov 18, 2014

Beledweyne : HN :– Inta la xaqiijinayo ilaa shan ruux oo kala kala tirsan dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray ayaa ku dhintay dagaal culus oo maanta deegaanka Yasooman oo ka tirsan degmada Buula-burte ku dhaxmaray dadka deegaanka iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Dagaallka oo ahaa mid leysku adeegsaday hub kala duwan  ayaa saameyn weyn ku yeeshay deegaanka uu ka dhacay iyo dhulka ku hareereysan sidda uu warbaahinta u sheegay Cismaan Geedi oo ah duqa degmada Buula-burte.

Cismaan Geeddi ayaa xusay in dagaalku yimid markii dadka deegaanku ay diideen in ay bixiyaan xoolo ay malleeshiyadu ku sheegtay SakoSomalia: Conflict oo ay ku amartay inay khasab ku bixiyaan.

Wararka ayaa shegaya in deegaanka Yasooman oo 45 Km u jira degmada Buulo-burte uu hadda xasilloonyahay, kuna jiro gacanta dadka deegaanka.

Dgaalka ayaa noqonaya kii labaad ee sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac oo  24-kii saac ee la soo dhaafay Yasooman ku dhex maray Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah oo diiday in ay bixiyaan xoolo qasab ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!