Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo

by admin | Monday, Aug 24, 2015

Gedo : HN :–Wararka ka imananay gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaa dagaal culus uu ku dhaxmaray ciidammo dowladda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Col. C/llaahi Cismaan Isxaaq oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda FS ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saddex saacadood ah; isagoo xusay in uu billowday 1:00 habeennimo ee xalay uuna Socday illaa 3:00 Habeennimo.

“Weerarka innaga ayaa qaadnay, waxaana ku qaadnay deegaan Qodaxleey lagu magacaabo oo ka tirsan deegaanka Tuulo-barwaaqo ooCiidamo_dagaal_galay_Bakool u Dhexeysa Degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbahaarey, Wuxuuna socday muddo saddex saacadood ah,” ayuu yiri Col. C/llaahi.

Waxaa uu intaa ku darray in Al-shabaab ay kaga dileen dagaalka 12 Ruux ayna kaga dhaawaceen 12-ruux kale, sidoo kalena ay ka furteen hub iyo qalab kuwa isgaarsiinta ah, isagoo xusay in dhankooda uu hal askari oo keliya kaga dhaawacmay.

“Hal askari ayaa naga dhaawacmay, balse Al-shabaab waxaan ka dilnay 12-ruux, waxaan kaloo ka furannay 11-qori oo kuwa fudud ah iyo qalabka Isgaarsiinta oo gaaraya toddoba, dhankeenana waxaa nooga dhaawacmay hal askari,” ayuu yiri mar kale sarkaalka.

Mar la weydiiyay sida ay u dhacday in dagaal socday saddex saac uu Hal Askari oo keliya kaga dhaawacmay, iyaguna ay khasaare intaas le’eg u geysteen, ayaa ku gaabsaday in Alle uu guusha siiyay, haatanna ay iyagu gacanta ku hayaan deegaankii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, Col. Isxaaq ayaa hadalkiisa ku daray inay Gobolka Gedo haatan ka socdaan howlgallo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro Deegaannada iyo Tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka, Maadaama Toddobada Degmo ee Gobolku uu ka kooban yahay ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

“Waa ka socda Gobolka Gedo Hawlgallo Al-shabaab looga Sifeynayo Gobolka Gedo, kaas oo hadda socda Bil, Qurshaneennuna waa sidii dhammaan Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Gedo si nabad ah laga isaga gudbo, inta taas la gaaranaya hawlgalku wuxuu socon doonaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Dagaalka Sakaalkan ka Tirsan Dowladda Somalia uu Sheegay inay Xoogaggooda kula Dagaalllameen Deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!