Dagaal culus oo ka soconaya dulleedka magaalada Beledweyne

by wadani | Monday, Nov 21, 2016

Beledweyne : HN :– Wararka naga soo gaaraya deegaannada dulleedka galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in galab halkaa uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Warka ku saabsan dagaalka oo ay xaqiijiyeen waxgaradka labada dhinac ayaa salka ku haya ku haya dilal siyaabo kala duwan uga dhacay deegaannada miyiga ah iyo gudaha magaalada Beledweyne, kuwaa oo dhamaantood salka ku haya colaada labada beellood.

Dagaalka ayaa lagu waramaya in uu ku fiday deegaanno markii uusan gaarsiineyn taasoo keentay in ay halkaa isaga cararaan dadkii xoola dhaqatada ahaa ee ku noolaa.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka gobolka ayaa howlan siddii loo joojin lahaa dagaalka oo inta la ogyahay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu danbeyntii, maalin ka hor ayeey aheyd markii magaalada lagu dillay ganacsade la sheegay in dilkiisa lala xiriirinayo siddoo kale qof kale horay maleeshiyaad ugu dilleen meel dulleedka ah magaalada,  iyadoo labada ruux ee la dillay ka soo kala jeedaan beelllaha dagaallamaya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!