Dagaal culus oo mar kale ka qarxay magaalada Gaalkacyo

by wadani | Monday, Oct 10, 2016

Gaalkacyo : HN :-Daagaal Xoogan ayaa markale dib uga biloowday Magaalada Gaalkacyo, waxana labada dhinac ay is weydaarsanayaan Madaafiic Culculus.

Dagaalka oo xoogiisa biloowday gelinkii dambe ee maanta ayaa Hubka ay labada dhinac isku ridayaan waxa uu qal-qal iyo Cabsi hor leh ku abuuray Shacabka Magaalada Gaalkacyo, Waxaana jira madaafiic ku dheceysa Xaafado ka tirsan Magaalada.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga Khasaaraha Dagaalka balse Warar hordhac ah oo warbaahintu ka heshay Isbitalada Magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la gaarsiiyey 3 ruux oo dhaawac ah.

Saacadihii ugu dambeeyey Waxgaradka Labada Maamul ayaa waday Dadaal ku aadan sidii loo joojin lahaa Dagaalka Wallow Wararka ay sheegayaan inay fashilantay xabad joojintii la gaaray.

maxj1

maxj2

maxj3

maxj4

maxj5

maxj6

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!