Dagaal culus oo saakay ka dhacay deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Dec 31, 2014

Beledweyne : HN :– Dagaal culus oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa subaxnimadii hore saakay ka qarxay deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan, kaddib markii weerar culus ay ku qaadeen deegaannka xoogag ka tirsan dhinacyada iska soo horjeeda.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga oo gaaraya Deefoow ayaa sheegaya in dagaallka ay ku dhinteen tiro ka badan shan ruux, halka ku dhawaad 20 ruux kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaallka xoogiisa la sheegay in uu ka socdo deegaanno hoostaga Deefoow iyo qeybo ka mid ah tuullada leysku hayo ee Deefoow.

Goobaha caafimaadka magaalada ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaallku u dhaxeeyoSomalia: Conflict, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

Wixii war ah ee ka soo kordha dagaallka waan idin soo gudbin doonaa..

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!