Dagaal culus oo saakay ka dhacay deegaannka Deefoow iyo dhaawacyo la dhigay isbitaalka Beledeweyne

by admin | Saturday, Oct 4, 2014

Beledweyne : HN :– In ka badan saddex ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen tiro ka badan 20 ruuxna uu dhaawac ka soo gaaray dagaal culus oo saakay  mar kale ka qarxay deegaannka Deefoow oo dhinaca W/qooyi 35km kaga beegan magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo ah mid daba jooga dagaallo horay uga dhacay deegannka ayaa la sheegay in saakay uu dib halkaa uga qarxay kaddib markii garab ka mid ah dhinacyada dagaallamaya weerar culus ku qaadeen Deefoow oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo beelleed aad u hubeysan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ku dagaallameen gudaha deegaanka inkastoo markii danbe dhinac ka mid ah garabyada iskaSomalia: Conflict soo horjeeda dibada uga soo baxeen.

Isitaalka magaalada Beledweyne ayaa la dhigay dhaawaca ilaa 11 ruux oo wax yeello ka soo gaartay dagaallka, siddoo kalana waxaa ay wararku sheegayaan in isbitaalo gaar loo leeyahay oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag la dhigay dhawac ka badan 20 ruux oo ku soo wax yeelloobay dagaallka.

Ilaa iyo hadda ma  jirto wax war ah oo ka soo  baxay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidammada intaba, wararkii ugu danbeeyayna waxaa ay sheegayaan in maleeshiyadu wali is hor fadhiyaan mar marka qaarna la maqlayo rasaas culus.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!