Dagaal culus oo saakay ka soconaya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

by admin | Tuesday, Feb 10, 2015

Guri-ceel : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya xoogagga Ahulsunna Waljamaaca iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo horay degmadaas ugu dagaalamay.

Dad ku sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii degmada ku sugnaa ay qaarkood ka barakaceen, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin gudaha degmada oo lagu dul-dagaalamayo.

Iska-horimaadka ka socda Guriceel ayaa wuxuu yimid kaddib markii xoogag taabacsan Ahlusunna ay saaka weerar ku qaadeen, waxaanaGalal weerarkan uu imaanayaa xilli ay horay Ahlusunna u sheegeen inay qorsheynayaan inay dib u qabsadaan Guriceel oo sannadkii hore dhammaadkiisa laga saaray.

Dagaalka ayaa weli socda sida ay dadka degmadu sheegayaan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha Guriceel oo ah mid aad u xoog badan sida laga soo xiganayo dadka weli ku sugan gudaha degmadaas.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!