Dagaal deegaanka Jameeco ee gobolka Baay ku dhaxmaraya Al-shabaab iyo AMISOM

by admin | Friday, Jun 12, 2015

Baay : HN :– Xoogagga Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal dhaxmaray iyaga iyo ciidammada midowgga Africa AMISOM oo ka dhacay meel dulleedka ka ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaal oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Jameeco oo khiyaastii 20-KM dhinaca Bari ka xigta degmada Buurhabaka ee gobolka Bay, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen tobaneeyo AMISOM ka tisran, ayna ku gubeen gaadiid dagaal.

Saraakiisha Ururka Al-shabaab ayaa xusay in dagaalka uu weli ka socdo meeshii uu ka billowday shalay, iyadoo aan sheegin Ciidamada_Dowladda_&_kuwa_AMISOMkhasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamayo aya Warbaahinta u sheegay inay tan iyo shalay maqlayeen Hubka noocyadii kala duwan , welina Dagaalladu ka socdaan Halka lagu magacabo Jameeco.

“Dagaalka waa mid culus… hubka nocoyadii kala duwan ayaana weli laga maqlayaa halka uu dagaalku ka socdo oo ah Jameeco… ma sheegi karo khasaaraha ka dhashay dagaalka… balse waxaan maqlay inay ku dhinteen dhinacyada dagaalku u dhexeeyo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaan ku dhow Jameeco.

Ciidamada AMISOM ayaan weli Dagaalladan ka Hadlin, iyadoo aysan ahayn Markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-shabaab iyo AMISOM ku dagaalamaan Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!