Dagaal dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefoow ee duleedka B/weyne

by Yahye | Friday, Oct 3, 2014

B/weyne; HN;- Wararka ka imaanaya duleedka magaalada B/weyne ayaa sheegaya in dagaal kale maanta dib uga qarxay deegaanka Deefoow oo 35km waqooyi ka xigta magaalada B/weyne.

Dagaalkan oo labo beelood ku dhexmaray halkaa ayaa yimid kadib markii beel ka mida aay weerar soo qaaday kadibna uu sidaa dagaalku ku qarxay.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal dhawaan halkaa horey uga dhacay kasoo aay ku dhinteen 2-qofood koox kalana aay ku dhaawacantay.

Dagaalka maanta ayaa la sheegayaa in dhimasho aanay jirin walow dhaawac la soo sheegay.

Ma jirto wax waan waan ah oo la dhex dhigay ama socoto midna, ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa iyagu faraha ka qaaday maadaama horey uga daaleen in aay dhex dhexaadiyaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!