Dagaal dib uga soo cusboonaday deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan

by Yahye | Tuesday, Oct 14, 2014

B/weyne; HN;- Labo maleeshiyo beeleed oo beryahan isku horfadhiyey deegaanka Deefoow ayaa saaka mar kale dagaal uu ku dhex maray deegaankaas.

Dagaalkan oo la sheegay inuu xoogan yahay ayaan weli faah faahin laga heyn, xiriir warbaahinta Hiiraa Net aay la sameeysay meelaha dagaalku ka dhacay ayaa loo sheegay in dhimasho iyo dhaawacba aay jirto, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay in dhamaan aay yihiin maleeshiyadii dagaalameysay.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal horey uga dhacay deegaanadaas kaasoo salka ku hayo lahaanshiyo dhul beereed, labadan maleeshiyo beeleed ayaa beryahan isku hub aruursanayay, iyadoona lagu soo waramayo in masúuliyiin ka tirsan dowlada federaalka aay qeyb ka yihiin hurinta colaada soo noqnoqotay ee halkaa ka aloolsan.

Dadka waxgaradka reer Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalkan uu siyaasadeysan yahay, iyagoona daliishanaya in dadkan aay sanado badan wada deganaayeen weligoodna uusan dagaal dhex marin waxa xiligan keenay dagaalkana aay tahay iyadoo dadyow kale oo danno siyaasadeed ka leh aay shidayaan.

Wixii ka soo kordha la soco wararkeena dambe.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!