Dagaal Gaalkacyo ku dhaxmaray ciidammada Puntland iyo Galmudug

by admin | Sunday, Nov 22, 2015

Muqdisho : HN :—Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaa ku dagaallameen ciidammo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudugg.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa markii hore ka bilowday saldhiga dhexe ee Galkacyo, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha dhabta ah ee uu dagaalku ku bilowday.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay in xuduuda ay wadaagaan Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyodagaal-beeleed oo ay joogeen ciidamo ka tirsan Puntland ay Weerar ku qaadeen Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda Maamulka Galmudug, iyadoo markii dambe ay ku soo biireen ciidamada Booliska Galmudug.

Labada dhinac ayaa isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta labada maamul, waxaana in muddo ah labada maamul ka dhex taagnaa xurguf siyaasadeed oo ka dhalatay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug, iyadoo Puntland ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn maamulka Galmudug.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!