Dagaal galabta ka dhacay degmada Caabudwaaq

by wadani | Wednesday, Jan 11, 2017

Caabud-waaq : HN :  Wararka xiligan ka imanaya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in galabta casir liiqii uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Dagaalka galabta halkaa ka qarxay  ayaa salka ku haya aano qabiil,  waxaana uu sababay dhimashada shan ruux halka tiro kale oo intaa ka badanna  dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.

Dad ku sugan  Caabud-waaq ayaa sheegay in dagaalka galabta uu ka dhacay kadib garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda dileen qof ka soo jeeda dhinaca, taasoo keentay in dagaalka uu halkaa ka qarxo.

Ma’aha markii ugu horeysay ee sidan oo kale maleeshiyaadka ugu dagaalamaan degmada, hasse ahaatee dagaalkan galabta ayaa imanaya xili dhawaan hishiis laga gaaray beelo horay halkaa ugu dagaalamay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!