Dagaal goor dhaw ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne

by wadani | Sunday, Dec 13, 2015

Beledweyne : HN :– Waxaa goor dhaw ka bilaawday xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne dagaal u Beledweyne_Hiiraandhaxeeya maleeshiyo ka soo kala jeedda labo beellood oo ku wadda-dega xaafadda Howl-wadaag oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhax-oogneyd xiisad dagaal.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal subaxnimadii hore ee saakay qarxa uu salka ku haya ama uu daba socdo dil maalin ka hor kooxo hubeysan magaalada ugu geysteen saddex ruux oo ka soo jeeday mid ka mid ah beellaha dagaallamaya, kuwaa oo dilka saddexda ruux ku eedeeyay in ay geysteen dhinaca kale.

Wixii wara ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!