Dagaal goor dhaw ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Oct 19, 2015

dagaal-deg-deg1Beledweyne : HN :–Dagaal ayaa goor dhaw ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaa oo u dhxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Gaar ahaan dagaalka ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah xaafadda ilaa ilaa iyo haddana dhab ahaan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, inkastoo goob joogayaal sheegayaan in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa AMISOM ayaa wadda abaabul ciidan oo ay doonayaan in ay ku joojiyaan dagaal oo laga yaabo in uu saameyn ku yeesho xaafaddaha nabdoon ee magaalada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Hiiraan Net,

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!