Dagaal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

by wadani | Sunday, Dec 20, 2015

Jalalaqsi : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus deegaan hoos taga degmada uu ku dhaxmaray ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xarrakada Al-shabaab.

Xiriir aynu la sameynay degmada ayeey dadka ku dhaqan inoo sheegeen in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen tuulo hoostaga degmada oo ay ku noolaayeen dad isugu jiray xoolo dhaqato iyo beeraley, waxaana uu qorshuhu ahaa in dagaalyahannada Al-shabaab dadkaa ka qaadadagaalo-Jalalaqsian lacago ay ku sheegeen Zakawaad.

Hassa ahatee waxaa markiiba ka war hellay qorshaha dagaalyahannada Al-shabaab ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo markiiba ku baxay deegaankii ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab, waxaana halkaa ka bilaawday dagaal dhaxmaray labada dhinac.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in dagaalka oo ahaa mid aad xoognaa lagu jabiyay xoogagga Al-shabaab, iyaga oo laga dilay ilaa saddex ruux.

Inta badan deegaannada ay ku dhaqan yihiin dad reer miyiga ah ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhaca iska horimaadyada noocan oo kale ah, gaar ahaan marka ay Al-shabaab isku dayaan in ay dadka ka qaadaan lacago iyo xoolo ay ku sheegeen in ay Zako yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!