Dagaal ka dhacay deegaanka Jasiira ee dulleedka magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Oct 6, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka ka soo baxay deegaannka Jasiira ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxo hubeysan saakay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidammada militariga dowladda Soomaaliya.

Walloow aan aan wali faah faahin rasmi ah lag heliln  iska hor imaadka, ayaa dadka deegaanka Jaziira waxay sheegeen in ay maqlayeen saakay aroortii rasaas xoogan.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Baqal oo horay deked macmal u aheyd, waxaana halkaas fariisimo ku lahaa ciidamoCiidamada-dowlada-Iska-horimaad milateri ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ilaa saddex askari ay ku dhimatay iska hor imaadka, balse warar qaar ayaa sheegaya in dhimashada ay intaa ka badan tahay.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray halka iska hor imaadka ka dhacay ee saakay waabarigii ay kooxo hubeysan soo weerareen.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay, sidoo kale wax war ah kama soo bixin Taliska Milateriga Soomaaliya oo ku aadan weerarkan.

Deegaanka Jaziira oo ah xeeb loo dalxiis tago ayaa Muqdisho kaga beegan koofur galbeed, wuxuuna u jiraa qiyaastii ilaa 17-KM.

 

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!