Dagaal ka dhacay degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylan

by admin | Friday, Sep 26, 2014

Dhahar : HN :– Dagaalkan oo geystay khasaare nafeed dhaliyey waxaan uu dhex maray dhinacyo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu dhintay labo qof oo kalena way dhaawacmeen.

Iska hor imaadka ayaa sida ila wareedyo madaxbanaan oo Dhahar ku sugani  xaqiijiyeen wuxuu bilowday kadib markii lagu murmay dhismaha golaha deegaanka Dhahar.

Dhanka kale waxaa maanta la doortay duqa degmada Dhahar iyo ku xigeenkiisa, maalin kadib markii la dhaariyey xubnaha golahaC Puntland deegaanka cusub ee Dhahar.

Xaaladda Dhahar ayaa maanta degen, waxaase jira warar madax bannaan oo sheegaya in ciidamo dhanka Somaliland kasoo baxay ay degmadaas kusoo wajahan yihiin.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa bilihii u dambeeyey wadey qorshe degmooyinka aan maamulka lahayn goleyaal deegaan loogu sameynayo, waxaana ilaa iyo hadda maamul loo sameeyey 9 degmo oo ku kala yaalla gobolada Bari, Mudug iyo Haylaan.

Hiiraan Net.
 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!