Dagaal ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne

by wadani | Friday, Nov 25, 2016

Beledweyn : HN :-Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed ayaa goor dhaw ka qarxay deegaan 6km dhinac galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaafiicda iyo rasaasta culus oo ay adeegsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa laga maqlayaa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana dad ku dhaawacmay dagaalka qaarkood la soo gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo labo cisho ka hor beellahan ku dhaxmaray deegaannada fog ee miyiga gobolka Hiiraan, kaasoo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa..

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!