Dagaal ka qarxay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

by admin | Wednesday, Sep 9, 2015

Cabudwaaq; HN;- Dagaal ayaa goor dhaw ka qarxay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xilli Magaalada ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe iyo Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socda Galbeedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in Magaalada si weyn looga maqlaayo dhawaqa rasaas culus oo dhinacyada dagaalamaya ay isweydaarsanayaan.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in shacabkii deganaa Magaalada ay intooda badan ka baracakeen, kolkii ay dareemeen inuusan xaalka wanaagsaneyn.

Xalay fiidkii waxaa gaaray Magaalada Caabudwaaq Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana socotay waan waan ku aadan sidii xal loo kala dhex dhigi lahaa dhinacyada Magaalada isku haya, hayeeshe xalkii ayaa noqday mid fashilmay.

Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug gaadiidkooda dagaalka ayaa Magaalada lagu arkayaa, xilli rasaasta ay ka dhaceyso Galbeedka Magaalada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!