Dagaal khasaare geystay oo ciidammada Jubba iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka Kismaayo

by admin | Monday, Jun 29, 2015

Kismaayo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xarunta gobolka Jubba hoose ayaa sheegaya in dagaal culus xalay meel dulleedka ka ah magaalada uu ku dhaxmaray ciidammada maamulka Jubba iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab xalay soo weerareen xerada Akadeemiyada ee Luglow oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamada Maamulka Jubba.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada ay ahaayeen kuwo saacado badan socday oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kala gaarayalsh labada dhinac.

C/naasir Seeraar Maax oo ah afhayeenka maamulka Jubba ayaa shan askari kaga dhiteen dagaalka, waxaana uu intaa raaciyay ay siweyn isaga caabiyeen xoogagii soo weeraray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay xerada Ciidamada Luglow, halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen Ciidamada Maamulka Jubba, ayna halkaas ku dishay 10 askari.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xeradaas ay muddo kooban la wareegeen, ayna ka heleen qoryo fudud iyo kuwa culus oo gaaraya 12 qori.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerar ku qaadan fariisin Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jira Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa kordhisay dagaalada marka ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaana ay maalmihii la soo dhaafay weerarayeen xarumaha ciidamada ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo bartamaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!