Dagaal khasaare sababay oo dhaxmaray ciidammo ka wadda-tirsan dowladda

by admin | Monday, Nov 16, 2015

Muqdisho : HN :–Inta la og-yahay ilaa 10 ruux oo isugu jiray ciidammo ka tirsan dowlada iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay iska-horimaad degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidammo kawada tirsan kuwa dowaldda Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in iska-horimaadkaan uu sidoo kale sababay dhaawac tiro intaas ka badan, iyadoo dagaalkaan uu qarxayCIIDAMO-KISMAAYO1 kaddib markii ciidamada dagaalmaay ay ku murmeen kaarar la siinayay barakacayaal ku nool Jaamacaddii Gahayr ee degmada Hodan.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalkaan oo isugu jiray shacab iyo ciidammo ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho, iyadoo xaaladda goobtii dagaalku uu ka dhacay ay haatan daggan tahay.

Ciidamada milatariga Somalia oo dagaalkan uu dhexmaray ayaanay talisyadooda wax war ah kasoo saarin dagaalka dhexmaray ciidamadaan, inkastoo ay marar hore oo kala duwan ayay ciidamadu ku dagaalameen qaybo ka mid ah Muqdisho.

Ugu dambeyn, dhawaanahan ayaa waxaa degmooyinka gobolka Banaadir qaar ka mid ah ka socday kaarar loo qaybinayo dadka barakacayaasha ah, kuwaasoo loo bedelay raashin ay hay’aduhu siin jireen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!