Dagaal laga cabsi qabo magaalada Gaalkacyo iyo xiisad saakay ka taagan

by admin | Sunday, Sep 28, 2014

Gaalkacyo : HN :– Kaddib hanjabaadyo is daba joog ah oo ay hawadda isku marinayaan maalmihii ugu danbeeyayba mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo waxaa ay sheegayaan in xiisad dagaal ka taagan tahay magaalada, waxaana hakad ku jira dhaq dhaqaaqii ganacsiga.

Ciidammo aad u hubeysan ayaa lagu waramayaa in labada dhinacba  ay isugu keeeneen qeybaha ay ka maamulaan magaalada Gaalkacyo, taasoo shaki iyo cabsi ku beertay dadka magaalada.

Maalintii shalay waxaa magaalada Gaalkacyo gaaray wafdi ka tirsan xubnaha gollaha wasiirrada maamul gobolleedka Puntland oo uu kaLaascaanood9 mid yahay wasiirrka ammniga iyaga oo ka dagay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf, siddoo kalana waxaa garoonka shalay ka degan diyaarado kale oo wadday dad rakaab ah.

Laakiin mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo shir deg deg ah yeeshay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin duulimaadyada wali isticmaalya garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, madaama ay horay u sheegeen in garoonka uu xirran yahay, waxaana ay intaa ku darreen in haddii mar kale ay diyaarad ka soo degto garoonka ciidamada Galmudug fasax u qabaan in ay tallaabo qaadaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisadda colaadeed ee Gaalkacyo ka taagan waxaad idin kugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!