Dagaal mar kale maanta ka qarxay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

by admin | Tuesday, Feb 24, 2015

Guri-ceel : HN :–Wararka ka imanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna uu maanta barqadii mar kale ka dhacay degmadaas, iyadoo la soo sheegayo in xaalada ay haatan tahay mid yara degan.

Sidda dad goob joogayaal ah sheegen dagaalka ayaa ka dhacay dhinaca koofureed ee magaalada, waxaana saraakiil ka tirsan Ahlusuna ay sheegeen in rasaasta ay bilaabeen ciidanka dowladda.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in wali  xiisad ka taagan tahay degmada, waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale uu labadaDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud dhinac uu dagaal dhex maro, maadaama ay isku hor-fadhiyaan duleedyada degmada.

Odayaasha iyo waxgaradkii  waanta ka dhex wada labada dhinac ee ku sugan Guri-ceel ayaa sheegaya inay ka xun yihiin in xabada ay dib u bilaabato, hase ahaatee ay ku dadaalayaan sidii ay xaalada u qaboojin lahaayeen.

Dhaawacyada ilaa labo ruux oo rayid ah ayaa la geeyay isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel, waxaana la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Dagaalyahanadii horay ugu sugnaa degmada ee ka tirsan Ahlu Sunnaayaa la soo sheegayaa in ay wali magaalada joogaan, halka ciidankii dowladdana ay ku sugan yihiin duleedka magaalada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!