Dagaal meeshiyo beelleed ku dhaxmaray magaalada Beledweyne

by admin | Friday, Feb 6, 2015

Beledweyne : HN :– Dagaal socday saacado dhowr ah ayaa maanta ku dhaxmaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne maleeshiyo beelleed waayadii ugu danbeeyayba uu ka dhax aloosnaa xurguf colaadeed.

Maleeshiyada dirirtu dhaxmartay oo ka soo kala jeeday beellaha Jajeele iyo Makane ayaa waxa ku geeriyooday labo ruux halka tiroBeledWeyne ka badan 7 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Hasse ahaatee markii danbe waxaa ku baxay goobta uu dagaalka ka socdy odayaal dhaqameed iyo waxgaradka magaalada oo ku guuleystay in ay joojiyaan dagaallka, kuna qanciyaan labada dhinac in la wadda hadllo leysuguna yimaado kulamo looga arrinsayo khilaafka jira iyo khasaraha ka dhashay dagaallka.

Dadka dhaawacmay oo ay ka mid ahaayeen dad rayid ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda, ayaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!